Fines Victoria

Primary content

Download as a PDF fileWaxan waa macluumaad muhiim ah. Haddii aadan fahmin macluumaadkan, ama aad dooneyso inaad qof kala hadasho ganaaxaaga, wac Fines Victoria (03) 9200 8111 ama 1300 369 819 (dadka kasoo wacaya gobolka) qof ayaana kugula hadli doono luuqada aad rabtid.

 

Nidaamka ganaaxyada Fiktooriya

Ganaax ayaa ah ciqaabta jabinta sharciga. Ujeedada ganaaxyadu waa in la taageero nabadqabka bulshada iyo kala dambaynta iyadoo laga hortagayo dabeecadaha sharci darrada ah.

Noocyada ganaaxa ugu waaweyn waa ganaaxyada la xiriira xadgudubka iyo ganaaxyada maxkamadda.

  • Ganaaxyada xadgudubka waxaa gooyo hay'adaha fulinta sida golayaasha deegaanka iyo Booliska Victoria. Badanaa waxaa loo jaraa dembiyada fudud sida dembiyada taraafikada iyo kuwa goobaha baabuurta la dhigto. Ganaax lacageed ayaa u oggolaanaya qofka inuu saxo dembiga isagoo lacag bixinaya, iyadoo aan loo baahnayn inuu aado maxkamad ama qirto dambi.
  • Ganaaxyada maxkama waxaa soo roga garsooraha maxkamada.

Haddii aad heshay ganaax

Waa muhiim in aad isla markii wax uga qabato ganaaxaaga. Haddii aadan waxba qaban, lacagtu weey sii kordheysa, arintuna weey sii xumaaneysa.

Waa kuwan fursadaha aad heysato:

Hada bixi – si aad u bixiso ganaaxaaga isla markiiba, booqo fines.vic.gov.au si aad uga bixisid khadka online ka.

U bixi si joogto ah lacag bixinta – haddii aadan bixin karin lacagta oo dhan hadda, waxaad weydiisan kartaa inaad si yar u bixiso. Haddii aad hesho taageerada Centrelink, waad na weydiisan kartaa inaan ka goosano lacagahaaga. Si aad ugu bixiso tartiib tartiib, booqo online.fines.vic.gov.au/Pay-by-instalments oo buuxi foomka internetka.

Weydiiso waqti dheeraad ah oo aad ku bixiso – si aad u codsato in laguu kordhiyo waqtiga aad lacagta ku bixineyso, booqo online.fines.vic.gov.au/Payment-extension oo buuxi foomka onlaynka ah.

Haddii qof kale uu waday gaariga – haddii ganaaxa laguugu soo diray boostada, laakiin adiga aadan wadin baabuurka waqtigaas, waxaad xaq u leedahay inaad magacawdo qofka waday baabuurka si ganaaxa qofkaas loogu diro si eeysan adiga kuugu dhicin. Si aad u magacawdo darawalka, booqo online.fines.vic.gov.au/Nominate oo buuxi foomka. Waa inaad sida ugu dhakhsaha badqn ee aad awoodo u sameysaa, si aad u hubiso in foomka la aqbalo.

Haddii waxyeelo kaa soo gaadhay rabshooyinka qoyska – haddii laguu ganaaxay sababo la xiriira rabsho dhinaca qoyska ah, waxaad dalban kartaa Qorshaha Rabshada Qoyska. Faahfaahin dheeraad ah, booqo fines.vic.gov.au/fvs.

Haddii aad rabto in ganaaxa aad shaqo aad qabaneyso ku bixiso – waxaad awoodi kartaa inaa shaqo aad qabatid isaga bixiso adigoo ka qeybgalaya howlo la qabto qaarkood iyo dhaqan celin adigoo u marayo Nidaamka Ogolaanshaha Shaqada iyo Horumarinta. Tani waa fursad kuu furan hadii eey ku heystaan duruufo adag (guri la’aan, cudur maskaxeed, rabshad qoys, khamri ama balwado daroogo, naafonimo maskaxeed). Faahfaahin dheeri ah, booqo justice.vic.gov.au/wdp.

Haddii aad rabto inaad aragtid sawirka – waxaan qaadnaa sawirro ah ganaaxyo gawaari xawaareynaya iyo ganaaxyo gawaari nalka oo gaduud maray. Si aad u soo dejiso sawirka, booqo online.fines.vic.gov.au/View-image.

Haddii aad is leedahay waa in dib u eegis lagu sameeyo ganaaxaaga xadgudubka

Waxaad awood u leedahay inaad codsato dib u eegis ganaaxaaga ah haddii:

  • aad aaminsan tahay in go'aanka lagugu siiyay ganaaxa uu ahaa mid sharci darro ah oo eey ahayd in aan lagu ganaaxin
  • aad sameysay wax qaldan, laakiin aad qiil u heysato sabab aan caadi aheyn oo kaliftay in aad sharciga jabiso
  • ganaaxa lagugu soo diray si qalad ah oo eey ahayd in loo diro qof kale, oo aan adiga ahayn
  • aadan ogeyn ganaaxa – laguuma soo dirin ama sarkaalna kuuma dhiibin
  • aad leedahay duruufo gaar ah – guri la'aan, cudurada maskaxda, rabshado qoys, qamri ama balwad daroogo or ama aad leedahay dhibaatooyin dhinaca maxkasda

Haddii mid ka mid ah arimahaas ay ku khuseyso, waxaad codsan kartaa dib u eegis. Booqo online.fines.vic.gov.au/Request-a-review oo buuxi foomka khadka online ka ah. Waxaad u baahan doontaa inaad na siiso caddeyn si aad u caddeyso waxaad ku doodeyso.

Ogeeysiin: Haddii xaakim ama garsoore maxkamadeed uu kuu gooyay ganaaxa waxaad u baahan doontahay inaad ka codsato maxkamaddaas wixii macluumaad dheeraad ah haddii aad ka maqneed markii dacwada dhaceysay, haddii aad rabto in go'aanka maxkamadda dib u eegis lagu sameeyo ama aad rabto inaad ogaato in fursad kale kuu furan tahay. Waa inaad heshaa caawimaad dhinaca sharciga ah intaadan laxiririn maxkamada – booqo www.fclc.org.au ama wac (03) 9652 1500 si aad uhesho xarunta sharciga ee deegaankaaga.

Haddii aadan waxba ka qaban ganaaxaaga

Ganaaxyada xadgudubka
Markii ogeysiin ganaax ah ay soo saarto hay'ad fulinaysa, waa inaad ku bixisaa ugu dambeyn waqtiga laguu qabtay.

Haddii aadan bixin ogeysiiska ganaaxa ah, waxay noqoneysaa Ogeysiis Xusuusin Ciqaab ah. Lacagta ganaaxa ayaa kordhi doonto. Waa inaad bixisaa ganaaxa ama aad laxariirtaa hey'ada bixisay ganaaxa si aad ugala hadasho fursadaha kuu furan. Lambarka lagala xiriirayo wuxuu ku yaal boga dambe ee ogeysiiska.

Haddii aadan wali waxba ka qaban ganaaxa, waxay noqoneysaa Dalab Ogeysiis kama-dambeys ah, lacagta ganaaxa ayaa mar kale la kordhinaya. Waa inaad bixisaa ganaaxan maalinta ugu dambeysa ee laguu qabtay ama aad nagala soo xiriirta fines.vic.gov.au/contact-us.

Haddii aadan waxba ka qaban ganaaxaaga

  • leesankaaga ama rajistareeshanka gaariga waa la xayiri karaa
  • lacag ayaa lagala bixi karaa akoonkaaga bangiga ama mushaharkaaga
  • Xukun maxkamad ayaa lagusoo qaadan karaa magacaaga kharashka ganaaxana wuu kasii kordhi doonaa inta uu yahay. markaas kabacdi, sarkaal dowlada ayaa soo fara gelin kara arinta. Tusaale, sarkaalku wuxuu qaadan karaa gaarigaaga wuuna iibin karaa.

Ganaaxyada maxkamadda
Haddii xaakimka ama garsooraha uu kugu siiyo ganaax maxkamadda dhexdeeda, taas waxaa lagu magacaabaa ganaax maxkamadeed. Haddii aadan bixin ganaaxaaga maalinta dhageysiga maxkamadda, Fines Victoria waxay ku siin doontaa Bayaanka soo Uruurinta Ganaaxa ee Maxkamadda (CFCS). Markaad hesho CFCS, waa inaad ku bixisaa ganaaxa taariikhda laguu qabtay ee ku qoran bayaankan.

Waad codsan kartaa inaad si tartiib tartiib ah u bixiso ganaaxa ama aad weydiisato waqti dheeraad ah oo aad ku bixiso. Nagala soo xiriir fines.vic.gov.au/contact-us.

CFCS-kaaga waxaa sidoo kale ku qornaan doono macluumaad muhiim ah oo ku saabsan ganaaxaaga. Haddii aadan fahmin CFCS – kaaga waa inaad nagala soo xiriirtaa sida ugu dhakhsaha badan fines.vic.gov.au/contact-us.

Haddii aadan waxba ka qaban ganaaxa maxkamada

  • leesankaaga ama rajistareeshanka gaariga waa la xayiri karaa
  • lacag ayaa lagala bixi karaa akoonkaaga bangiga ama mushaharkaaga
  • Xukun maxkamad ayaa lagusoo qaadan karaa magacaaga sarkaal dowlada ayaana soo fara gelin kara arinta. Tusaale, sarkaalku wuxuu qaadan karaa gaarigaaga wuuna iibin karaa.

Haddii aan faah faahiyo sarkaalka dowlada ee loo yaqaan sheriff

Sheriff waa sarkaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Victoria, oo mas'uul ka ah fulinta amarrada:

  • ganaaxyada aan la bixin ee ka diiwaan gashan Fines Victoria
  • ganaaxyada aan la bixin ee uu amro xaakim ama garsoore maxkamada dhexdeeda.

Haddii aadan waxba ka qaban oo aad iska indhatirto ganaaxaaga, amar maxkamad ayaa lagaa soo saari karaa.

Saraakiisha maxkamada ayaa kuugu imaan karo gurigaaga ama goobtaada shaqada, ama waxaa laguugu istaajin karaa isbaaro dhig si lagaala hadlo amarka maxkamada. Saraakiisha Sheriff ayaa sidoo kale laga yaabaa inay lugaha ka xirtaan gaarigaaga.

Waa inaadan ka baqin saraakiisha maxkamada. Waxay rabaan inay kaa caawiyaan inaad la gasho heshiis ku saabsan ganaaxyada aan la bixin, waxayna kuula dhaqmi doonaan si xushmad leh. Waxay kuu sharixi doonaan fursadaha kuu furan waxayna kaa caawin doonaan ineey ku fahansiiyaan waxa lagaa rabo inaad sameyso.

Haddii laga fursan waayo, saraakiisha maxkamada waxay awood u leeyihiin inay:

  • baaraan oo eey la wareegaan wixii hanti ah, sida gaarigaaga, si eey u iibiyaan
  • lugta ka xiraan ama kaxeystaan gaarigaaga
  • ku xiraan si maxkamad laguu hor geeyo.

 

Return to the top